Mareykanka Oo Soo Riday Diyaarad Drones lala Beegsaday Maraakiib Marayay Badda Cas | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo Soo Riday Diyaarad Drones lala Beegsaday Maraakiib Marayay Badda Cas
December 4, 2023 - Written by Editor:

BADA CAS(W,N)-Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo riday diyaarado badan oo aan duuliyaha lahayn kuwaasoo ka yimid Yemen, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in ay beegsadeen laba ka mid ah maraakiibta – ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay diyaarado iyo gantaallo ku qaaday Israa’iil, waxayna qabsadeen markab xamuul bishii hore, laakiin weerarradii ugu dambeeyay waxay muujinayaan korodh weyn oo khatar ah oo ku waajahan maraakiibta marra badda cas.

“Maanta, waxaa jiray afar weerar oo ka dhan ah saddex markab oo ganacsi oo kala duwan oo ka hawlgala biyaha caalamiga ah ee koonfurta Badda Cas,” Taliska Mareykanka ayaa qoraal ku sheegay Axaddii shalay.

Xuutiyiinta ayaa bayaan ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegteen mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday maraakiibta Unity Explorer iyo Number 9.

Waxayna sheegeen in maraakiibtaasi laga leeyahay Israa’iil, weerarrada lagu hayo maraakiibta dalkaasna ay sii socon doonaan ilaa inta ay Israel gardarada ku hayso walaalaheenna ku sugan Qaza. ayaa lagu yidhi qoraalka Xuutiyiinta.

COMMENTS
LINKS