“Madaxweyne, Haddii Aad Mus-ciriirta Qaranka ka Moosi weydo, Mishkiladahan Aan Ka Digayo, Waxaad Umuuqan Doontaa, In Aad Muraad Ka Leedahay” Siyaasi Maxamuud Xaashi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne, Haddii Aad Mus-ciriirta Qaranka ka Moosi weydo, Mishkiladahan Aan Ka Digayo, Waxaad Umuuqan Doontaa, In Aad Muraad Ka Leedahay” Siyaasi Maxamuud Xaashi
December 13, 2023 - Written by Editor:

Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Mudane Madaxweyne, ma muuqato in aad wareejin doonto, dalkii midaysnaa ee midigta lagaa galiyey, maalintii aad talada dalka haaneeday, ee 13-kii December 2017-kii.

Nasiib darro, in kasta oo dalweynihii Somaliland, uu kala qaybsamay. Ma aaminsani in ay dani ku jirto, in duullaan iyo dagaal dib loo qaado. Laakiin, dantu maanta waxay ku jirtaa in aad xoojiso difaaca, iyo dib u dhiska ciidankii qaranka, ee niyad-jabka iyo nolol xumidu ku dhacday. Kuwaas oo aanad docdooda daymoon, sidii ay u xagal daaceen.

Si kastaba ha ahaatee, maandhow dubaaqaaga iyo dareenkaaga geli, in dowladnimadu tahay khaatumada, sida camaladuba u yihiin cidhib-dambeedka.

Haddaba, waxaan kugula talinayaa in aad xoog saarto, xilliga gaaban ee ka dhiman muddo-xileedkaaga, sidii aad isugu hayn lahayd hambada soo hadhay, dalkana aad uga qaban lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, oo lagugu xasuusto.

Haddii aad ku guuleysato xaqiijinta, labadan hal-xidhaale ee maanta ku horyaal, waxaa hubaal ah in aad heli doonto, khayr iyo khaatumo wanaagsan. Taas oo khasada ka bi’in karta, adiga iyo ummaddaada khajilsan, ee khataraha badani ku xeeran yihiin.

Dhinaca kale, mudane Madaxweyne, bulshada aad madaxda u tahay, boqolkiiba sagaashan ma qabaan badhaadhe, ee waxaa biyo-dhigay busaarad, sicir-barar, baahi ballaadhan iyo shaqo la’aan baahsan.

Sidaa darteed, dadkaaga darxumadu haysaa waxay kaaga baahan yihiin, in aad ka badbaadiso mar dambe, muran siyaasadeed oo madhalays ah, iyo musiibo colaadeed oo mashruuc laga dhigto.

Madaxweyne, haddii aad mus-ciriirta qaranka ka moosi weydo, mishkiladahan aan ka digayo, waxaad u muuqan doontaa in aad muraad ka leedahay, oo weliba milil dushii lama dhayo’e aad maanka ku hayso, meeraalaysi, mindi-mindi ku taag, iyo muddo korodhsi, aan maanta kuu meel mari doonin. Dardaaran waa inta la nool yahay’e, waar hooy, dhug iyo dhaymo u yeelo, dhambaalada kaaga imanaya dadka faraha badan ee ku dhisay, ee aan jeclayn dhaxalkaaga iyo dhitadaada xun. Kuwaas oo uu u dambeeyay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo shalay la hadlay warbaahinta.

Ugu dambayn, mudane Madaxweyne, guushaada ha ka jirin ee hohe la jir. Geba-gebada geeddiga aad gadh-wadeenka ka tahayna, si wacan u gardaadi, isla markaana guul-galkiisa u gurya-gee, si aan godobi kaga raacin.  Go’i waaye, garwaaqso in aanay ahayn guusha siyaasaddu, imisa gu’u baad wax xukuntay. Balse, guushu waa galadaha aad gaadho, iyo gedda aad wax u xukunto. Madaxweyne, ha ka dhiidhiyin dhaliilaha laguu jeediyo, iyo dhawaaqyada kaa dhanka ah. Haseyeeshee, waxaad ka dhiidhidaa, dhibaatooyinka dadkaaga ku dhan, ee dhaqaale xumidu lafdhabarta u tahay, iyo dhiillooyinka colaadeed ee dhulka qaar ka aloosan.

Allahayow talada noo hagaaji, tubta toosanna nagu hanuuni.

Twitter: x.com/MohamudHAbdi

Qore; Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.

COMMENTS
LINKS