|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Oo Markii Uhoraysay Ka Hadlay Wiil Uu Dhalay Oo Dalka Turkiga Ku Galay Shil Sobobay Dhimasho!
December 14, 2023 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in wiilkiisu aanu ka soo cararin dalka Turkiga, kaddib markii shil geystay dhimasho uu ku galay magaalada Istanbul, waxaana uu intaa ku daray in uu wiilkiisa kula taliyay in uu dib ugu laabto oo uu isku soo taago maxkamad. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee AP ayaa u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah, oo dhaqtar ah uu muddo maalmo ah kusii sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ee magaalada Istanbul. “Wuxuu ahaa shil. Muu cararin, ee waxa uu u qabsaday qareen u doodaya,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaas ku daray in aanu jirin wax amar ah oo lagu xidhayo wiilkiisa. Wuxuu sheegay madaxweynuhu wiilkiisu inuu ganacsi ku leeyahay dalka Turkiga. “Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu horyimaado maxkamadda. Laakiin wiilkayga waa nin weyn, “go’aankiisana isaga ayaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay. Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoyskii ka tacsiyadeeyay geerida wiilkooga Gocer. “Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Gocer, oo aanan garanayn si aan ula xidhiidho. Waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda. “Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkeyga uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha dalka Turkiga,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigaas ku sheegay xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo uu kusoo bandhigay qorshaha amni ee dowladdiisa. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|