Madaxwaynaha Jsl Oo Gaadhay Dalka Itoobiya Iyo Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Gaadhay Dalka Itoobiya Iyo Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyay
December 31, 2023 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo saaka ka anbabaxay dalka isagoo safar shaqo  ku tagay caasimada  dalka itoobiya Ee Adis ababa casuumad uu ka helay Raysalwasaaraha itoobiya

Madaxweyne Biixi iyo Waftigii uu hogaaminayey ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Adis Ee Bole International si meeqaad sare ah Ugu kusoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonen.

Madaxwaynaha jsl ayaa lafilayaa in uu la kulmo raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed.

Majirto wax faah Faahin oo kazoo xukuumada Somaliland oo la xidhiidha ujeedada safarka uu madaxwayne biixi ku tagay itoobiya iyo arimaha uu daaran yahay toona.

Dhanka kale madaxwaynaha Somaliland Ayaa laba cisho ka hors afar ku tagay dalka jabuuti halkaasi oo ayku kulmeen madaxwaynayaasha somaliya iyo jabuuti kaasi oo wada hadalo udhexeeya Somaliland iyo somaliya ku dhexmareen.

COMMENTS
LINKS