|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Ganacsade Baxsane Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.
December 27, 2023 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 27/12/2023 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/12/2023, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, kana mid ahaa dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha dalka, iyadoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha samafalka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|