Madaxwaynaha DDS Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Gabadh Askariga Katirsan Ciidanku Jidh Dil Ugaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDS Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Gabadh Askariga Katirsan Ciidanku Jidh Dil Ugaystay
December 4, 2023 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Mudane  Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley inantii Askariga katirsan ciidanka Newboolisku  ku jidh-diley magaalada jig-jiga Sawda Cabdikariin haybe iyo qaar ka mida ah qoyskooda, taasi oo habeenkii xalay warbixin ay kaga hadlayso tacadigu uu askarigaasi kula kacay laga baahiyay warbaahinta.

Dhanka kale Hogaanka ciidanka Booliska DDS Ayaa raaligalin ka bixiyay falkaasi inanta lagu kacay iyagoo sheegay in baadhitaan lagu samaynayo sidii falku udhacay sharcigana la marin doono.

Qoraal kazoo baxay Hogaanka Ciidanka DDS Ayaa Sidan Udhignaa;

Raali gelin

Booliska Dowlad deegaanka soomaalidu wuxuu raaligelin ka bixinayaa dhibta soo gaadhay Sawda C/risaaq Haybe, wuxuuna boolisku Ehelka dhibanaha iyo shacabka sharafta lehba u sheegayaa in sharciga la gula xisaabtami doono xubinkii dhibka u gaystay Sawda.

Wuxuuna boolisku bulshada u cadaynayaa in baadhitaan lagu hayo kiiska gabadha Natiijadana shacabka lala wadaagi doono.

Xigasho: Ciidanka Dawlad Deegaanka Ayaa qoraalkaasi Raaligalinta Ku Baahiyay Bogooga Facebookga

COMMENTS
LINKS