|
|||||
WAJAALE NEWS
Inan Iyo Abtigii Oo habeenkii Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa
December 6, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika. Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay burcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtiis oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxiin Xasan Cali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim. Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka South Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay labada Marxuum, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal si joogta ah loogu geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas Koonfur Afrika oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa. Bilaha ugu dambeeya sanad walba Koonfur Afrika waxaa lagu dilay tirada ugu badan ee ganacsatada Soomaaliyeed, maadama burcada ay doonayan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan maalmaha Kirismiska, taasoo keenta iney burcada kordhiyaan dhaca iyo dilalka ay ku hayaan Soomaalida. Related posts:Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga suxufiyad Bushaaro Baanday Iyo F... DAAWO: Badhasabaka Bobolka Togdher Oo Ka Jawabay Eedaymo Ay U Soo Jeediyeen Xildhibaano Ka Tirsan Go... “Golaha Wakiiladu Haddii Ay Is Hortaagaan Sharciyeynta Iyo Socodsiinta Heshiiskan, Waa In Madaxwaynu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|