|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka S.P.P Oo Shacabka Jsl Ku Hambalyeeyay Curashada Sanad Cusub Ee 2024.
December 31, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee S.P,P Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) ayaa guud ahaan shacabka Somaliland dhambaal hambalyo ah udiray curashada Sanad cusub Ee Taariikhda Milaadiga ah 2024, Isagoo ilaahay uga barayay in uu sanadkaa sanadkiisa ku gaadhaa bash bash iyo barwaaqo. Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi; “Waxaan halkan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhamaan Shacab waynaha reer Somaliland curashada sannadka cusub ee 2024. Waxaan ilaahay inooga baryayaa in ilaahay inooga dhigo sannad khayr badan oo barwaaqo, horumarka, is afgarad, nabadgalyo waarta, iyo dowladnimo taam ah ina siiyo. Ilaahay dalka iyo dadkaba ha inoo barwaaqeeyo bi idnilaahi kariim. Ilaahay sannadka 2024 sannadkii wanaaga iyo barwaaqada ha inooga dhigo. Caafimaad iyo barwaaqo ku waara walaaleyaal.
Related posts:Muj Cali Guray Oo Weerar Afka Ku Qaaday Axmed Jaabiir Suldaan Soona Foqay Taariikho Hore Oo Muuse Bi... Wasiir Xaglo-Toosiye: Dembiile Cali Khaliif Waa Ka Baxay Buuhoodle Umana Ogolaan Doono In uu Ku Soo ... Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Soo Saartay Digniin Ku Waajahan Qaarada Africa Oo La Xidhiidha Covid1... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|