Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ugu Saraysa Haayada UNDP! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ugu Saraysa Haayada UNDP!
December 17, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL  mudane Prof. Yaasiin X Maxamuud  Xiir ( Faratoon) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya xafiiska  UNDP ee Somaliland iyo Somalia.  Kulankan oo ujeedadiisa guud ay daaraneyd isbarasho iyo is xogwareysi u dhaxeeyey labada dhinac ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ay UNDP la soo qabatey Golaha Wakiilada tobankii sano ee ugu dambeeyey iyo waxyaabaha golaha muhiimka u ah ee ay tahay in ay UNDP iyo Golahu kasii wada shaqeeyaan, sida hawlaha ku xusan qorsheyaasha 5ta Sano  ee  golaha ( 5 years  strategy plan) .

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaadey dhiirigalinta haweenka ee ka qayb galka siyaasada. Waxaa sidoo kale la xusay kor u qaadista  iyo badinta kulanada u dhaxeeya Golaha wakiilada iyo saaxiibada ka taageera horumarka ( development partners) si loo dardar geliyo horumarka golaha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa.

Dhinaca Golaha Wakiilada:

  1. Mudane Yaasiin Xiir ( Faaratoon). Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
  2. Mudane Siciid Mire Giire. Gudoomiyaha kuxigeenka 1aad.
  3. Mudane. Maxamed Xasan Siciid. Mudane ka tirsan Guddida arrimaha dibada
  4. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Xoghayaha Guud.
  5. Abdinasir Osman Mohamoud. Agaasimaha qorsheynta

Dhinaca UNDP

  1. Lionel Laurence. Resident Representative.
  2. Ms. Sophie kemkhadse. Deputy Resident Representative
  3. Samiira Ahmed Hassan. Head of Area office
  4. Masoud Abdi. Programme Analyst.
COMMENTS
LINKS