|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirada Jsl Oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyada 2024 Iyo Cadadka Ay Ka Kooban Tahay!
December 27, 2023 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED-27-12-2023. Fadhigii 122aad Ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2024-ka. Fadhigii 122aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2024-ka oo Oddoroskeeda Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee sannadkan lagu saleeyey Difaaca iyo Doorashooyinka dalka. Miisaaniyad-sannadeedka 2024-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,432,316,337.448 (Saddex Tiriliyan, Afar boqol iyo laba iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo lix iyo toban Milyan, saddex boqol toddoba iyo soddon kun, Afar Boqol iyo siddeed iyo afartan) Somaliland shiling ah, taas oo ka kooban
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad, waxa uu sharraxay meelaha iyo miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2024-ku diiradda saarayso iyo meelaha la filayo inuu dakhligu kasoo xeroodo, iyaga oo xubnaha wasiirradu gudo galay dood iyo falanqayn dheer oo ku saabsan oddoroska miisaaniyadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa doodda kaddib cod geliyey anisixinta oddoroska miisaaniyadda sannadka, waxana ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku meel mariyeen oddoroska miisaaniyadda 33-aad ee qaranku yeesho oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Miisaaniyadda sannadka 2024-ka waxa hoggaaminaya oo udub-dhexaad u ah qodobbadan soo socda:
Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan Xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyada xeer Lr.XX/2023. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir. Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:DAAWO;-Sheekh Aadansiiro Oo Shacabka Reer Hargaysa Ugu Baaqay In Ay Dad Wanaagsan Doortaan, fursadan... Shacab Waynaha Magaalada Burco Oo Isku Soo bax Balaadhan Ku Xusay Maalinta 18may Iyo Wasiiro Ka Qayb... Dawlada Somaliya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Madaxwaynaha Somaliland Iyo Farmaajo Ee Magaalada Adi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|