Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Basspor Iyo Fiisayaal Been Abuuro Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Basspor Iyo Fiisayaal Been Abuuro Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen.
December 28, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha Somaliland ayaa soo bandhigay tirade Baasaboorada iyo Fiisayaal been abuurka ah ee qabteen sanadkan dhamaanaya ee 2023.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee Gobolka Maroodi Jeex Ahna Afhayeenka ciidanka laanta socdaalka Gaashaanle Cabdicasiis Cabdilaahi Sheekh Cali Ayaa faah faahin ka bixiyay baaso boorada iyo fiisayaasha ay qabteen iyo qalab casri oo ay u adeegsadeen qabashada baasoboorada iyo fiisayaasha been abuurka.

Sidoo kale Taliye cabdicasiis ayaa fariin udiray shacabka Somaliland iyo cidkasta oo istidhaahda ku safar dhokominta aanay lahayn.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS