Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Laba Nin Oo Ku Eedaysan Dil Marxuum Dhawaan Lagu Dilay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Laba Nin Oo Ku Eedaysan Dil Marxuum Dhawaan Lagu Dilay Magaalada Hargaysa.
December 3, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Taliska Ciidanka Booliska Jsl Ayaa Ka Warbixiyay Qaabkii Ay Gacanta Ugu Soo dhigeen Laba Nin Oo ku Eedaysay Dilka Marxuum Habeen Dhawayd Lagu Diley  Isha Cobosha Masallaha Galbeed Ee Magaalada Hargaysa.

Warbixin :

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah

1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir

2- Ayaanle Muxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , kaasi oo ah marag muujinta loo hayo eedaysanayaasha  ,  marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan  (Probox-ta) ,  waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee.

Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay  sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska .

Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii  Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane  Mustafe Cali Cabdilaahi  kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka  qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay  waxii ku jiray kala baxeen.

Ciidanka Boolisku waxuu  degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi .

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada  ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay  taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana  degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call Center 999

 

COMMENTS
LINKS