|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Axmed Wali Oo Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Ugu Baaqay In Ay Ka Jawaabto Cabashada Shacabka Reer Wajaale!
November 24, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Axmed Wali Cabdilaahi Khaliif Oo kamid ah golaha deegaanka Gabiley ayaa ka hadlay cabashada maalmihii udanbeeyay kasoo yeedhaysa shacabka magaalada wajaale oo Ka cabanayay tacadiyo iyo cashuuro sharci daro ah uu kusoo rogay maamulaha kastamka wajaale Axmed Gaaxnuug isagoo masuuliyiinta wasaarada maaliyada iyo xukuumadaba ugu baaqay in ay ka jawabaan cabashada shacabka wajaale si deg deg ah wax uga qabtaan. Sidoo kale Xildhibaan Axmed wali ayaa masuuliyiinta wasaarada maaliyada ugu sareeya ku eedeeyay in ay wadaan qorshihii ay ku xidheen kastamka kalabaydh Mid lamid ah oo ay ku xidhayso kastamka magaalo xuduudeedka wajaale isagoo sheegay in aanay marnaba Aqbalay In Wajaale kastamkeeda la xidho Dhanka kale Xildhibaan Axmedwali ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka xeerka horyaala golaha guurtida, dagaalka bariga isagoo fariimo kala duwan udiray madaxwayne biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:DAAWO;-Shirkii 7aad Ee Golaha Dhexe Xisbiga UCID Oo Burco Ka Furmay Iyo Khudbadihii laga Jeediyey. DAAWO;-Masuuliyiinta Shirkada Oomaar Oo Iska Fogeeyay Eedo Loosoo Jeediyay, Soona Bandhigay Inta Jee... Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hawl-Galadda Lagu Mastaafurinayo Dadka Soo Galooti... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|