|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaqiiqada Xogtii Ugu Danbaysay Ee Raashinka!
November 21, 2023 - Written by Editor:Guud ahaan Dawladu Hadaanay Dadkeeda Wax u Sheegin Cid Kalaa Wax u Sheegi, Somaliduna Waxay Ku Maahmaahdaa Nin Guntin Xumi Inuu Wax Qarsanayaa La Moodaa!!!! Dad badan ayaa ilaa maanta isoo waydiinayay, siday wax u dhacayaan waxaanan ku joogay xogtiisa iyo siday wax u dhaceen. 1.Raashinka iyo Cidii Lahaydba Ma La Mariyay Maxkamad? Haa rasshinkii iyo cidii lahayd ee lagu eedayayba waxaa la saaray maxkamad inkasta oo aanay dadku u helin fursad lagu gaadhsiiyo inay si toos ah uga qaybqaatan balse xukunka maxkmada waxaa lagu dhawaaqay 15-11-2023 ilaa iminkana waxuu raashinku u taagnaa in la fuliyo shuruud kamid ah shuruudaha Xeer Lr.68.2014 Xeerka Tayada Oo Lagu Xukumay, inkastoo aan aniguba jeclaa in xeerka ciqaabta guud la mariyo balse hadana madama xeer gaar ahi nidaaminayo isaga ayaa loo habraacayaa sharci ahaan, waxaanuu u dhigan yahay Xeerku Sidatan. Qodobka 39aad Ee Xeer Lr.68.2014 Dembiyada iyo Ciqaabaha Heerka Tayada.
qiimaha badeecad la qabtay haduu danbigaasi u ekaado mid la caadastay waxa la iskugu darayaa ganaax, xadhig iyo liisanka ganacsi oo lagala noqon doonaa.. Sida farqadan danbe ka muuqata qofkii raashinkan keenay maxkamadu umay aqoonsan caadayste oo xadhiga sidaas ayuu kaga bad baaday sida uu qodobkani u dhigan yahay marka loo habraaco. Markaas Fikirkayga hal qodob ayay maxkamada iyo Xafiiska Xeer ilaalintuba ay ilduufeen oo ahayd in garmaqalka dacwadani ay dadka u furnaato oo uu noqdo fadhi u Furan warbaahinta, ama ay dadka uga warbixiyaan siday wax u dhaceen, balse waxaan u arkaa in talaabo sharci laga qaaday raashinkii iyo cidii lahaydba oo waliba culays maaliyadeed haday tahay cashuurtii ugu horaysay ee laga shubay, ganaaxan oo marka shixnada loo eego culus iyo kharashka gubiduba waa ciqaab aad ugu culus, hadii uu ku waantoobayo, aniga qudhaydu qofka ma arag balse muhiim iima ah kol hadii garsoorka la horkeenay. Inkasta Oo aan ilaa horaantii falkani dhacay aan Saluugsanaa sida jooga hoose ah ee eedaysanaha xogtiisa loo ilaalinayo ilaa iminkana loo ilaaliyey, Balse Muhiimna maaha in qofka ciqaab aan xeer sheegin lagu fuliyo ama isaga Laftiisa TV loosoo bandhigo oo waa ciqaab kale, balse hadii garmaqlkii uu furnaan lahaa taas dadku maanta kumay xiiqeen. @followers @Highlits Alle Xaqa Hayna Waafajiyo QORE; Garyaqaan.Yuusuf Biixi. Related posts:Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa? Qaybta 3โaad ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ต ๐จ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐น๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ฅ๐ผ๐บ๐ฎ๐ป๐ถ๐ฎ ๐ข๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐๐ฎ ๐ก๐ถ๐ป ๐ฅ๐ฒ๐ฒ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฒ๐ ๐๐ต ๐ข๐ผ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐๐ฟ ๐ ๐๐ต๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐! Hambalyo Dhamaaan Bahda Shakabada Wajaalenews Waxay Hambalyo Munaasibada Ciidal Adxa U Dirayaaan Dha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |