“Waxaanu ka Digaynaa In La Celiyo Shidaalkaas, Iyada Oo Loo Danaynayo, Shirkado Ay Madaxtooyadu Leedahay, Oo Caadaystay In Dhiig-miirtaan Dadka”Xoghaye Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu ka Digaynaa In La Celiyo Shidaalkaas, Iyada Oo Loo Danaynayo, Shirkado Ay Madaxtooyadu Leedahay, Oo Caadaystay In Dhiig-miirtaan Dadka”Xoghaye Xamse Khayre.
November 19, 2023 - Written by Editor:

Shidaal qiime Jaban, waanu soo dhawaynaynaa

Waxaanu soo dhawaynanaa talaabo kasta oo keenaysa in naaftada/shidaalka qiimihiisu jabo Isla markaana meesha ka saaraysa go’aankii hore ee Salfarta lagaga dhigay 500 ppm wax ka hooseeya. Waxaanu qabnaa in mudnaantu tahay nolosha dadka, dalkuna qaadi Karo salfar ilaa 3000 ppm ah.

Markabka taagan Hadda dekeda Berbera ee sita calanka Jamhuuriyada Togo magaciisuna yaha #CHIRON 7 (IMO 9127291,MMSI 671294100) waa in la rogaa shidaalka Jaban ee uu sido. Waxaanu ka digaynaa in la celiyo shidaalkaas iyada oo loo danaynayo shirkado ay madaxtooyadu leedahay oo caadaystay in dhiigmiirtaan dadka oo ku qaaliyeeyaan shidaalka.

Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Ee Xisbiga Waddani.

Xamse Khayre

 

COMMENTS
LINKS