“Waan Ogahay In Bulshada Reer Somaliland Jeceshahay Wanaaga, In Aad Og Tihiin Qofka Jecel Wadankiisa Iyo Dadkiisa”Ex Wasiir Cawaale Shirwac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waan Ogahay In Bulshada Reer Somaliland Jeceshahay Wanaaga, In Aad Og Tihiin Qofka Jecel Wadankiisa Iyo Dadkiisa”Ex Wasiir Cawaale Shirwac.
November 12, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland Cawaale Shirwac ayaa umahad celiyay shacabka reer Somaliland ee ka damqaday xadhigii lagula kacay isagoo qoraalka uu kaga hadlayo sida shacabku ugu hiiliyeen una muujiyeen garab istaaga ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Reer SOMALILAND waan idiin mahad celinayaa, kumaanan fariimood iyo telefoon oo aan ka jawaabi Kari waayay mid mid, waxa aan rabaa in idin idhaa, waan ogahay in bulshada reer SOMALILAND jeceshahay wanaaga, in aad og tihiin qofka jecel wadankiisa iyo dadkiisa, waan dareemay aadna way ii taabteen fariimihii badnaa ee idinka helay.

Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa bulshada aan ku arko jidadka aan maro, oo ii muujisa taageero iyo wanaag, ciidanka jooga jidadka aan maro oo i tusa ixtiraam taas oo aad ii taabata.

Waxa aan si gaar ah u xusayaa dad waaweyn  oo aanan aqoon isku lahayn oo ii muujiyay wanaag iyo taageeero, solidarity , iyo ugu danbayn JIILKA AAN MEEL U WADA JEEDNO OO AH DHALINYARADA. REER SOMALILAND OO AH RAJADA AAN KU JOOGO WADANKAN SOMALILAND OO MAALIN IYO HABEEN I TUSA wanaag iyo taageero.

Dhamaantiin waxan idin leeyahay. MAHADSANIDIN

COMMENTS
LINKS