Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika Ee EAC! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika Ee EAC!
November 24, 2023 - Written by Editor:

LONDON (W,N)-Soomaaliya ayaa si buuxda uga kamid noqotay xubinimada Urur Gobaleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi culus oo la socda, ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee caasimada dalka Tansaaniya halkaasi oo lagu go’aamiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaan.

Madaxweynuhu wuxuu guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Wuxuu xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama sida uu sheegay ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanaya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu ugu dambayn u mahadceliyey dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto

COMMENTS
LINKS