Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Wajaale Oo Markale Sida Fiinta Uga Qayliyay Tacadiga Uu Ku Hayo Maamulaha Kastamku Iyo Baaqa Ay Udireen Xukuumada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Wajaale Oo Markale Sida Fiinta Uga Qayliyay Tacadiga Uu Ku Hayo Maamulaha Kastamku Iyo Baaqa Ay Udireen Xukuumada Jsl.
November 20, 2023 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Shacabka ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa markale cabasho xoogan ka muujiyay maamulaha kastamka wajaale Axmed Gaaxnuug oo cashuuro sharci daro ah kusoo rogay ganacsatada yaryar iyo alaabaha kala duwan ee lagu cashuuro kastamka Sida khudaarta taasi oo ay sheegeen in uu qarka usaaran yahay in uu xidhanto magaalada wajaale ganacsigeedii, kana baydhaan alaabihii ka iman jiray itoobiya ee lagu cashuurayay kastamka wajaale.

Sidoo kale waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada wajaale ayaa cod dheer xukuumada somaliland iyo masuuliyiiinta wasaarada maaliyada ugu baaqay in laga soo gaadho maamulaha kastamka

Dhanka kale shacabka wajaale ayaa wasiirka maaliyada ka dalbaday in uu gudi usoo diray kastamka wajaale si ay u ogaadaan ficilada uu ku hayo maamuluhu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS