Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol Ee Dalka Uk. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol Ee Dalka Uk.
November 28, 2023 - Written by Editor:

“Hadii Ay Magaalada Bristol Ahaan Jiray Xarunta Kulmiye, Maanta Waa Waddani” Midkamid ah Aqoonyahanka Magaalada Bristol

BRISTOL(W,N)-Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi Cirro iyo waftigii uu hogaaminayay ee ay ku weheliyeen gudomiyaha xisbiga musharaxa madaxwayne kuxigeenka ee xisbiga iyo saraakiil kale ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol Ee Dalka Uk.

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminayay oo safar shaqo ku  joogay dalka ingiriiska ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Bristol.

Waxgaradka siyasiyiinta iyo aqoonyahanka reer Somaliland eek u dhaqan magaalada Bristol ee dalka Uk ayaa soo dhawayn balaadhan ku qaabiley musharax cirro iyo waftigiisa kuwaasi oo umuujiyay taageerada ay uhayaan xisbiga rajada shacabka ee waddani.

Sidoo kale haldoorka iyo aqoonyahanka magaalda Bristol ee gaar ahaan beesha subeer awal oo iyagu casuumada usameeyay waftiga musharaxa xisbiga waddani ayaa ubalan qaaday in ay la barbar taagan yihiin taageero dhaqaale iyo mid cududba

Magaalada Bristol e dalka Uk ayaa ahayd meelihii sida wayn looga taageeri jiray xisbiga haya talada Somaliland ee kulmiye taasi oo hada udiga rogotay xisbiga mucaaridka ee waddani.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS