Madaxwaynaha Jsl Oo Xilka Qaadis, Isku Badal Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha+ Xubno kale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xilka Qaadis, Isku Badal Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha+ Xubno kale!
November 28, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa maanta xilka qaadis, iskubadal iyo magacaabis ku sameeyay qaarkamid ah agaasimayaasha guud ee wasaarada dawlada iyo gudoomiyihii komishanka tamarta.

Wallow aan la shaacin wareegtada madaxwaynaha ee uu agaasimayaasha guud qaarkood xilalka kaga qaaday,kuwo cusubna umagacaabay qaarna uu isku badalay ayaa ilo wareedyada lga helayaa waxay sheegayaan in uu xubnahan magaacabay kuwona xilka qaaday.

Madaxwaynaha ayaa xilalkii ka  qaaday:

1.Agaasimihii Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada JSL Mudane Siciid Axmed Cabdikarim

2.Agasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Muuse Jaamac Abyan.

3;Agaasimihii Guud ee wasaarada Maalgashiga Maxamed Soomali

Madaxwaynuhu wuxuu magaacabay masuuliyiintan.

1.Mudane Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada JSl.

2.Mudane Mustafe Shiine, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta.

3.Mudane Mustafe Cumar, oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Guud ee Gaashandhiga, waxa loo badlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka.

4; Agaasimaha Cusub ee wasaarada Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac.

5; Agaasimaha cusub ee wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdiraxmaan Abdeeq.

Dhanka kale madaxwayne biixi ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii komishanka tamarta Maxamed faarax Cadare isagoo umagacaabay masuul cusub xasan sheikh maxamuud muxumed in uu ahaa

FIIRO GAARA WAXAA JIRA MASUULIYIIN KALE OO MADAXWAYNE BIIXI XILALKA KA QAADAY IYO KUWO UU MAGACAABAY KUWAASI OO AANAN HAYNIN XOGTOODA RASMIGA AH.

COMMENTS
LINKS