|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan la Qaatay Masuuliyiinta Baanka Dhexe
November 1, 2023 - Written by Editor:Guddida joogtada iyo anshaxa ee Golaha wakiilada JSL ayaa maanta oo (Arbaca) ah waxay kulan xog-waraysi la qaateen masuuliyiinta BAANKA DHEXE JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baanka DHexe Md. Dr. Cali C.laahi Daahir….. Kulankan oo uu shir-gudominayey Gudomiyaha Guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiilada Md. FAYSAL YUSUF JAMAC ayey u jeedadiisu ahayd kulan xog-waraysi, iyo ka warbixinta xaalada guud ee Dhaqaalaha Dalka iyo Shaqada ay qaranka u hayaan,Waxqabadka baanka dhexe, waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsoomin inuu warbixin ka siiyo Guddida. Waxaanu Gudoomiyuhu si waafiya xog uga siiyey arimahaas kala duwan, Mudanayaasha Guddiduna waxay su’aalo kala duwan ka weydiiyeen arimahaas, iyadoo Gudoomiyuhuna si faahfaahsan ugaga jawaabay. Related posts:Xusuusta Dhacdo Milicsanaysa Afduub u Horreeyey Ee Ilaallada Wasiirka Daakhiligu Ku Qafaallato Suxuf... Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Maayarka Caasimada Iyo Kuxigeenkiisa Iyo Nuxurka Qoraalo Ay Iskugu J... Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Daah-Furtay Dib-U-Eegista Iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha Dawladda ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|