|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Amaanka Oo Kordhiyay Mudada Cunaqabatayta Hubka Ee Somaliya.
November 20, 2023 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan. Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023. Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023. Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab. Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wadajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya. Related posts:Safiirka Cusub Ee Madaxwaynaha Somaliland Umagacaabay Dalka Itoobiya Oo ka Dareen Celiyay Xilka Loo ... “Waxa Nagu Soo Duuley Daaroodkii Kenya, Kii Calanka Buluuga Ah Sitay iyo Kii Ethiopia, Kaayagiina Wu... Muuse biixi cabdi gudoomiyaha kulmiye"Raga Xukuumadda kamida ee suuqa jooga ee intay microfonka qabs... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|