Farshaxannimada Luuqada Qodaalka, Markal Lagu Cabirayo Fooraha Doorashooyinka Iyo Duruufaha Taagan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farshaxannimada Luuqada Qodaalka, Markal Lagu Cabirayo Fooraha Doorashooyinka Iyo Duruufaha Taagan!
November 11, 2023 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebookga Wuxuu qaab farshaxanaysan oo luuqada qodaalka iyo xoolo dhaqatada  tilmaamay wacdiga siyaasadeed ee dalka, fooraha doorashada, Marxaladaha lagaga baxo hadii wakhtigeedu dheeraada isagoo ku tilmaamay afka reer guuraaga iyo doorka uu ku leeyahay gurgurshaagu,

Halka luuqada qodaalkana uu ku cabiray sida uu wax ubeerto ninka qindiga ah adag haystaa xili roobaadka taasi oo afka siyaasadana udhiganta hogaamiyaha guul haybsan karaa in uu yahay ninka haysta garbo adag oo uu ku duulo xiliga ololaha

Qoraalka Siyaasi Shucayb Ayaa Udhignaa Sidan;

“Sanadkaa maanta ah waxa guulaysan Kara Ninka haysta Qindi Adag iyo Gurgurshaa .

Waayo cirku wuu Tusan Yahay, lakiin waxa laga yaabaa in Dayrtu Inagu Daba dheeraato  hadii Taasi timaaddo,

Gurgurshaaga waxa Aan looga maarmayn ,ku Qaadista  Waxaraha, Caruurta Yar Yar  Iyo  Dadka Waayeelka ah in lagu geedi Galiyo, si meelo Biyo  leh loogu dhawaado.

QORE; Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse

COMMENTS
LINKS