|
|||||
WAJAALE NEWS
Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Bilaabay Hawlgalo Uu Ku Dabagalayo Sarifka Lacagaha Shilinka Jsl Iyo Dollarka!
November 4, 2023 - Written by Editor:Warsaxafaddeed Sabti, November 04, 2023 Baanka Dhexe ee JSL waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 04.11.2023 bilaabay hawl gal balaadhan oo ujeedadiisu tahay sidii suuqyadda sarrifka looga soo saari lahaa lacagaha shillin-ka Somaliland ee dheeraadka ku ah si la isugu dheelitiro xaddiga lacagaha Somaliland shiilling-ka iyo lacagta Dollarka Maraykanka ee wareegaya suuqyadda Somaliland loona xasiliyo qiimaha heerka sicirka sarrifka. Baanku Waxa uu ka soo nuugayaa lacagaha danabaysan ee shillinka JSL ee ku jira Mobiladda, waxa kale oo suuqa saaka ka soo ururiyay lacagaha shillinka ah ee ay Sarriflayaashu hayaan.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|