Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Maamul Xumada Xukuumada Somaliland Sobobtay In Sucuudigu Joojiyo Xoolihii Uga Dhoofayay Dekeda Berbera! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Maamul Xumada Xukuumada Somaliland Sobobtay In Sucuudigu Joojiyo Xoolihii Uga Dhoofayay Dekeda Berbera!
October 5, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha xanaanada Xoolaha ee xisbiga Waddani Axmed shugri ayaa ka hadlay xoolaha Somaliland ee udhoofi jiray dalka sucuudiga ee la joojiyay isagoo wasiirka xanaanada xoolaha ku eedeeyay in ay keentay maamul xumadiisa iyo aqoon la,aantiisa joojinta xooluhu

Sidoo kale xoghaye axmed shugri ayaa sheegay intii aanay soo bixin in xoolaha Somaliland ee ka dhoofaya dekeda berbera uu joojiyay dalka sucuudigu uu iskuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha ee gobolka saaxil soo saaray qoraal uu ku sheegayo in la hakiyay xoolihii dekeda berbera uga dhoofayay sucuudiga taasi oo tilmaamaysa iska hor imaadka hadalka wasiirka iyo masuul uxilsaaran gobolka saaxil.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS