Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Oo Si Dadban Ugu Jawaabay Dadka Usacaba Tumaya Damaca Raysalwasaare Abiye Ee Dekeda Saylac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Oo Si Dadban Ugu Jawaabay Dadka Usacaba Tumaya Damaca Raysalwasaare Abiye Ee Dekeda Saylac.
October 16, 2023 - Written by Editor:

“Aqoontaada Oo Gaaban , Aamus Baa Lagu kabaa”Xil. Cabdikariim Maxamed

Dekeda Saylac waa Dekeda 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland , waana Deked taariikhiiya oo ku taal goob Istaraatiiji ah, waxaanay u taagan tahay mid kamida Dekedaha Mustaqbalka dhow u adeegi doona Waddamada Gobolka iyo Afrikada Dhexe ee aan Bad lahayn, waana Khayraadka Somaliland leedahay ee Afrika iyo Adduunka kula macaamilaso, Insha Allah.

Siyaasiyiinta Hawada kala qabsaday Hadalada Diblomaasiyadda ee aanay akhriyi karin Lay-manka dhexdooda ( between the lines) waa sidii nin qabsaday xadhig koronto oo hoolan ( wire without insulation), sidaas darteed Siyaasadda aanay Anteena-daadu ( Antenna) gaadhsiisnayn inaad ka gaabsataa haboon ( Aqoontaada oo gaaban , aamus baa lagu kabaa).

Waxa Qoray; Xildhibaan Cabdikariim Maxamed oo katirsan Golaha wakiilada jsl

COMMENTS
LINKS