“Waxaan Isweydiiyey Tolow Ma Waxaa Isbedelay siyaasadii DFS, Ee Ahayd In Arinta Somaliland Oo Isu-dhan lagu Dhameeyo Wadahadal Nabadeed”Xil. Maareeye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Isweydiiyey Tolow Ma Waxaa Isbedelay siyaasadii DFS, Ee Ahayd In Arinta Somaliland Oo Isu-dhan lagu Dhameeyo Wadahadal Nabadeed”Xil. Maareeye.
October 6, 2023 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Xildhibaan Maareeye xayir oo ka hadlay qaabka muqdisho loogu soo dhaweeyay Hogaamiyaha Khaatumo isagoo sheegay in aanu arag gudoomiye degmo oo sidaa loo soo dhaweeyay iyo waxa iska badalay siyaasadii somaliya ee ahayd in arinta Somaliland lagu dhameeyo wahadal nabadeed balse tani waji kale bixinayso.

“Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi.

Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka.

COMMENTS
LINKS