Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo War kasoo Saaray Dilka Wiil Dhalinyaro ah Oo Habeenkii Xalay Lagu Toogtay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo War kasoo Saaray Dilka Wiil Dhalinyaro ah Oo Habeenkii Xalay Lagu Toogtay Magaalada Hargaysa.
October 24, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa war kazoo saaray dil habeenki xalay ka dhacay magaalada hargaysa kaasi oo askari katirsan ciidanba boolisku uu habeenkii xalay xafada bada cask u toogtay marxuum Mustafe Ibraahim Abees

Sidoo kale ciidanka booliska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanihii dilka gaystay iyo midkale oo la socday

Qoraal ay soo saareen ciidanka booliska Somaliland ayaa sidaasi lagu sheegay oo udhignaa Sidan;

War-saxafadeed :

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  gacanta kusoo dhigay Edeysane   Dable C/raxmaan ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed 21jir  oo ku eedaysan inuu xalay Abaarro 8:20 habeenimo Xaafadda Baddacas ku dilay Marxuum-Mustafe ibraahin Aadan ina Koos Aadan 33 jira, Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal ay sameeyeen saaka subaxnimadii gacanta kusoo dhigay eedeysanahan ,  waxaana lagu soo qabtay Deegaanka Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargaysa  isagoo hubkiisa wata markii Ciidanka Boolisku hareeriyeenna is dhiibay , waxaanu  hadda ku jiraa  gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo si degdeg u horgeyn doonno  Sharciga.

Dhanka kale waxa Ciidanka Boolisku  gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Maxamed Baashe Muuse ina  Safiya Xasan 25jir oo kamid ahaa  xubnihii la socday oo ku eedaysan ina gacan siiyeen Eedaysanahan dilka gaystya , waxaana sidoo kale Ciidanka Boolisku ku raad-joogaan laba eedaysane oo baxsad ku maqan oo aan wali la aqoonsan.

Taliska Ciidanka Boolisku waxuu tacsi u dirayaa  dhammaan ehelkii ,  qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Mustafe Ibraahim Aadan.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.

COMMENTS
LINKS