Shiinaha Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Dagaalka Udhexeeya Falastiin Iyo Israel +Baaqa Uu Udiray Labada Dhinac! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shiinaha Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Dagaalka Udhexeeya Falastiin Iyo Israel +Baaqa Uu Udiray Labada Dhinac!
October 9, 2023 - Written by Editor:

BEJIN(W,N)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israa’iil, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka.

“Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

“Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing.

Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin.

Dawlada shiinaha ayaa warka soo saartay xili Safaaradda dalka Israa’iil ee Shiinaha ay sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel.

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israa’iil xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X.

Xidhiidhka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israa’iil ayaa si weyn u ballaadhay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xidhiidh diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa.

Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xidhiidha, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israa’iil, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israa’iil ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha.

COMMENTS
LINKS