“Saylac Somaliland Baa Iska leh, Wayna Ahaan Doontaa Ilaa Weligeed,”.Wasiirka Warfaafinta Jsl | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saylac Somaliland Baa Iska leh, Wayna Ahaan Doontaa Ilaa Weligeed,”.Wasiirka Warfaafinta Jsl
October 18, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dekedda Saylac ay weligeed ahaan doonto  Somaliland,isla markaana jawaab ka bixisay warar dekeda Saylac ka soo saartay Itoobiya

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya todobaadkii hore e la soo dhaafay ayaa ka hadlay doonistooda dekedaha dalalka jaararka, sida Saylac ama Casab.

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda  Saleebaan Yuusuf Call Koore ayaa sheegay in dekedda Saylac weligeed

ahaan doonto  Jamhuuriyadda Somaliland,

Farin uu ku baahiyey barisa Twitter shalay ayuu Md. Koore ku yidhi, Saylac Somaliland baa iska leh, wayna ahaan doontaa ilaa weligeed.” Ayuu yidhi Wasir Saleebaan…

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya wararka bulshadu isla dhexmarayso ee dekeda Sayacla Xidhiidhinaya Itoobiya.

COMMENTS
LINKS