Qaabkii Loo Qorsheeyey Weerarkii Ay Xamaas Ku Qaaday Israa’iil Iyo Ragga Qaabeeyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaabkii Loo Qorsheeyey Weerarkii Ay Xamaas Ku Qaaday Israa’iil Iyo Ragga Qaabeeyay!
October 10, 2023 - Written by Editor:

Ayada oo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn.

Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sannado ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan toddobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah millateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii August kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda.

Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah.

Xamaas waxay gacanta ku haysaa marinka Qasa, halka Xisbullah ay tahay koox siyaasadeed oo hubaysan oo shiica ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hussein Amir-Abdullah ayaa ka qayb galay labadii kulan ee u dambeeyey sida uu wargeyska the Wall street Journal qoray in laga soo xigtay xubno ka tirsan Xamaasa iyo Xisbullah.

Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado ayadoo dalku u muuqdo in uu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamoin Netanyahu. Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku gadhwadeenka ka yahay ee lagu hagaajinayo xidhiidhka Sacuudiga iyo Israa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta.

Qorshaha balaadhan ee Iran wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furimood oo israa’iil laga soo weeraro, ayadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Xamaasna ay ka soo qaadayaan Qasa iyo daanta galbeed.

Wargeysku wuxu kaloo qoray in Iran ay meel iska dhigtay xiisadihii kale ee gobolka oo ay kujirto tan u dhaxaysa ayaga iyo Sacuudiga iyo Yemen, oo ay diiradda saartay inay isticmaasho IRGC ilaheeda ku wajahan dhaqaale ku bixinta iyo hubaynta ‘kooxaha argagixisada’ ee Xamaas iyo kooxaha kale si ay u weeraraan Israa’iil.

Laakinse markii wax laga weydiiyey Mahmoud Mirdawi oo ah sarkaal xamaas ka tirsan kulamada Iran lala yeeshay ee ka dhacay Beirut, wuxuu sheegay in ay ahaayeen “go’aannada Falastiiniyiinta iyo Xamaas”.

 

Afhayeen u hadlay ergada Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisa uu uu taageersan yahay ficillada Xamaas, wuxuuse sheegay in Iran ayna amrin.

“Go’aannada ay sameeyeen kooxaha wax iska caabinta ayaa ah kuwo madax banaan oo la jaanqaadaya danaha sharciyadeed ee shacabka Falastiiniyiinta” ayuu wargeyska the Wall Street Journal ka soo xigtay afhayeen codsaday in magaciisa la qariyo, wuxuuna intaa raaciyey “kuma lug lihin jawaabta Falastiiniyiinta bacdamaa ay falastiin ayada uun qaadatay”.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa aisna muujiyey taageerada uu hayo weerarkak Xamaas, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay qaaddo mas’uuliyadda ah in ay gobolka khatar galisay.

Afhayeenka Xamaas, Ghazi Hamad ayaa isna la weydiiyey bal inuu sheego inta ay le’eg tahay taageerada xamaas ay Iran ka heshay si ay weerarkan u qaaddo ayaa ku jawaabay “waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dalal badan oo na caawinaya. Iran way na caawisaa, dalal kalena way na caawiyaan, ha noqoto lacag, hub ama taageero siyaasadeed”.

Isaraa’iil waxay iminka kula dagaallamaysaa Xamaas todoba furimood oo dhulkeeda ah, waxayna u yeedhay in ay hawlgalaan 100, 000 oo askari oo ah ciidanka kaydka ah.

Xamaas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaadday Israa’iil arooryadii sabtida, kaasoo la yaab ku noqday dunida sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey. Weerarkaas oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 1,100 qof.

COMMENTS
LINKS