|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
October 29, 2023 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka hormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, waxana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda wasaaradda oo uu hoggaaminayo wasiir Saleebaan Yuusuf Cali-koore. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa booqashadiisa kusoo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay, goobaha warqabadka, xarumaha Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka iyo dhammaanba xafiisyada kala duwan ee ay ka socoto shaqada wasaaraddu, waxana uu warbixinno ka dhegaystay madaxda qaabilsan waaxaha uu kormeeray. Madaxweynuhu waxa u kuur galay hannaanka ay u shaqeeyaan waaxyaha wasaaraddu, isaga oo markii dambena kulan gaar ah la qaatay shaqaale weynaha wasaaradda oo ay hormuud u yihiin wasiirka warfaafinta iyo madaxda kale ee wasaaraddu. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso iyo kaalinta ay shaqaale weynuhu ku leeyihiin in bulshada wacyigeeda kor loo qaado. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay inay dedaalkooda kor u qaadaan, difaaca qarannimadana waqti badan geliyaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo madaxdoodaba uga mahadceliyey shaqada ballaadhan ee ay bulshada u hayaan, waxana uu ku dheeraaday Barnaamijyada waxtarka leh ee ay Idaacadda iyo Telefishanka qaranka laga sii daayo oo ku tilmaamay kuwo garaadka bulshada dhisaya, aqoon iyo waayo-aragnimona ku dhisan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu ka madaxweyne ahaan u hagar baxayo wax kasta oo wasaaraddu ku horumarayso. Wa-bilaahi Tawfiiq Related posts:Dawlada Shiinaha oo Faahfaahisay Qorshaha ay ka Damacsantahay Saldhig Milateri oo ay ka furatay Djab... Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Ka Hadlay Mishiin Laga Xaday Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo Iyo Arimo ... "Xukuumaddu Waxay Nagu Keliftay Inaanaan Ku Wergelin Mudaharaadadda Soo Socda"Murrashaxa Madaxweynah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|