|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Masuul Oo Xukuumadiisa Katirsanaa!
October 18, 2023 - Written by Editor:Wareegtooyin Madaxweyne-18-10-2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida Gudoomiyeyaasha iyo ku xigeenada Gobolada Dalka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer. Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay gudoomiye iyo ku xigeen cusub. Waxaanay u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey;
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Related posts:DAAWO; Hordhaca Waraysi Xiiso leh La la Yeeshay C/rashiid Xasan Mataan Oo Dhawaan Iska Casilay Xisb... Daawo: Wasaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Oo Beenisay Gabadh Shaqaale Ah oo La Sheegay In La Dhib... Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa Kulan kula Yeeshay Safiirrada Turkiga iyo Maraykanka U Qaabilsa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|