“Macallinku waxa uu bulshada ugu jiraa kaalinta ugu mudan, isaga oo halbawle iyo udub-dhexaad u ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Macallinku waxa uu bulshada ugu jiraa kaalinta ugu mudan, isaga oo halbawle iyo udub-dhexaad u ah
October 5, 2023 - Written by Editor:

“Macallinku waxa uu bulshada ugu jiraa kaalinta ugu mudan, isaga oo halbawle iyo udub-dhexaad u ah hannaanka waxbarashada, ummad jiritaankeedana waxa had iyo jeeraale laga dheehdaa qiimaha uu macallinku ku dhex leeyahay.

Xisbi ahaan, waxbarashadu muhiimad gaar ah ayay noo leedahay, waana jidka aannu u qaadaynno dad-dhiska iyo dhalinta isbeddelka khayrka qaba ee aannu guclaha ugu jirro.

Munaasibadda maalinka caalamiga ah ee loo asteeyey macallinka awgeed, waxa aan halkan uga ducaynayaa baraha iyo macallinka, waxana aan xusuusinayaa xilka iyo masuuliyadda culus ee uu hayo!

W/Q; Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

COMMENTS
LINKS