|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Dhawrista Tayada Jsl Oo Shaacisay Natiijada Baadhitaan Ay Ku Samaysay Sonkorta Uu Dalka Keentay Shirkada Oomaar!
October 31, 2023 - Written by Editor:“In Taariikhada kiishka Sonkortu 25kg Ah, Dib Loogu Cabeeyey Ay Khaldan Tahay Oo Ay Tahay 1/10/2023 Halkii Ay Ka Ahaan Lahayd july/2023/ june 2023”Haayada Dhawrista Tayada jsl. HARGAYSA(W,N)-Haayada dhawrista tayada somaliland ayaa shaaciyay natiijada baadhitaan ay ku samaysay sonkor uu dalka keenay oomaar company taasi oo baraha bulshada aad loogaga faalooday datekeega iyo xiliga ay dalka timid. Warsaxafadeed kasoo baxay haayada dhawrista tayada ayaa sidan udhignaa; War-Saxaafadeed 31/10/23 Ref:-002-10-23 Ujeedo: War-Saxaafadeed Hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranku waxa ay bulshada uga masuul tahay ilaalinta badqabka iyo caafimaad Ka bulshada Somaliland.Hay’adda Dhawrista Tayadda waxa dhawaan soo gaadhay sonkor ay bulshada ka cabatay taas oo bulshada tuhun ka galay sida ay dalka ku soo gadhay.sidaa dardeed waxa aanu bulshada la wadagaynaa xogta sonkortas iyo tayadeeda
Hay’adda Dhawrista Tayadda iyadoo tix galinaysa cabashadii bulshada waxa ay qaaday talaabooyin kale duwan si waafaqsan xeerka Hay’adda Dhawrista Tayadda. 1.Waxa anu baaadhis (vissual inspection) ku samaynay dhamanaan bakharada ay leedahay shirkadu ee ku yaal Hargeysa iyo Berbera. 2.Waxa aanu ka qaadnay sonkor muunad ah (sample) si loogu soo baadho Shaybaadhka hubinta tayada ee Hay’adda Dhawrista Tayadda. Natiijonika uga so baxay xafiska hawl-galkan : Hawlgalkan oo muddo qaatay waxa Hay’adda Dhawrista Tayadda uga soo baxay qodobadan hoos ku xusan.
Hay’adda Dhawrista Tayadu waxa ay bulshada somaliand u cadanaysaa in sonkorta macluumaadkeedu kor ku xusan yahay ay tahay sonkor aan wax cilada aan lahayn oo ay bulshadu isticmaali karto. Allaa Mahad Leh Agaasimaha Guud ee Haay’adda Dhawrista Tayada ee JSL Xamse Sul.Aadan Faarax Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|