Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Kulan la Qaatay Xildhibaan Reer Uk Ee Udooda Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Kulan la Qaatay Xildhibaan Reer Uk Ee Udooda Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
October 20, 2023 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Waddani xirsi cali xaaji xasan oo ku suga dalka ingiriiska ayaa kulan la qaatay xildhibaan Gavin Williamson kaasi ku qaabilay xafiiskiisa.

“Waxa aan xafiiskiisa kula kulannay, Sir Gavin Williamson, waxana aannu ku bogaadinnay dedaalka uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland.

Mar kasta, xisbiga WADDANI waxa uu taageero, dhiirrigelin iyo talaba la barbar taagan yahay cid kasta oo aqoonsiga Somaliland ku hawllan, Xukuumaddana waxaan u sheegayaa oo ku baraarujinayaa: in marka ay  siyaasadda guduhu saxan tahay ay saaxiibbada Somaliland, safiirradeenna dibadda iyo qof kasta oo dublamaasi ama muwaadin ahi uu dedaalkoodu macno samaynayo, haddiise aynnu qas iyo qabiil ku fooggan nahay oo ciidda kala miisaynno, waxa aynnu noqonaynnaa sidii nin dudumo u maydhaya.

Waxa aan rejaynayaa isbeddel khayr leh iyo in dadka Somaliland ay gaadhi doonaan himiladoodii qarannimo, gobannimadii ay muddada dheer raadinayeen iyo DAWLADNIMO bulshada u adeegta oo ay mahadiyaan.

COMMENTS
LINKS