Dalladda Sonsaf Oo Soo Bandhigtay Cilmi baadhis Laga Sameeyay Caqabadaha Hor Taagan Ka Qaybgalka Siyaasada Ee Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba, Dhalinyarada Iyo Haweenka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalladda Sonsaf Oo Soo Bandhigtay Cilmi baadhis Laga Sameeyay Caqabadaha Hor Taagan Ka Qaybgalka Siyaasada Ee Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba, Dhalinyarada Iyo Haweenka!
October 30, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dalladda SONSAF oo kaashanaysa Haya’daha Guryosamo iyo CISU ayaa maanta soo qaban-qaabisay kulan lagu gorfaynayey cilmi-baadhis laga sameeyey  caqabadaha ka haysta ka qayb-galka hogaanka siyaasada ee dadka la garbiyo “haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah leh, beelaha la hayb-sooco iyo dhalinyaradda”. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in ka soo qayb-galayaashu ansixiyaan cilmi-baadhista sidoo kale soo gudbiyaan qodobadda ay u arkaan in ay muhim tahay in lagu daro cilmi-baadhista.

Waxaanu kulan hadalo ka jeediyay gudoomiyaha dalada sonsaf Anwar, masuuliyiin ka socday wasaaradaha arimaha bulshada iyo qorshaynta iyo xubno kale.

 

COMMENTS
LINKS