|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ban-yaalnimada Xogaha Ku Qoran Cuntooyinka Lasoo Warshadeeyay Iyo Gol-daloolooyinka Heer Caalami, Heer Qaran Iyo Heer Shirkadeed”Xoghaye Xamse Khayre.
October 23, 2023 - Written by Editor:Waxaa jira heer-tayeedyo(standards) iyo hagayaal (guidelines) caalami oo ay dejiyeen Hay’adda Cuntadda Aduunka (FAO) iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) oo khuseeya cuntooyonka kala duwan bad-qabkooda(safety) tayadooda (quality) iyo guud ahaan astaynta dhigaalka iyo cabbaynta (Labelling and Packaging), waxaa sàxeexay ilaa 189 dal oo aduunka ah. Waxaa kale oo jirta in dalalka aduunka intooda badan ay heer-tayeedkoda u gaarka ah ay ku saleeyaan kuwan caalamiga. Haddaba heer-tayeedka SONKORTA waxaa la yidhaa Codex (CXS 212-1999). Waxaa kale oo jira heer-tayeedka astaynta iyo sumaddaha lagu dhigayo galka cuntooyinka la soo galeeyay lagu maamulo oo la yidhaa (CXS 1-1985) waxaanu dhigayaa in galka cuntada lagu qoro guud ahaan 6 arimood: 1.Magaca badeecada 2.Muga ama Xaddiga (net Quantity) 3.Dalka ay ka timid (Country of Origin) ama lagu soo cabbeeyay (packaged)
Waxaa xusid mudan in dalka alaabtu (Country of origin) ka timid iyo dalku lagu cabeeyay (Country of packaging) ay kala duwanaan karaan oo dalkii lagu warrshadeeyay ama sameeyay (Manufactured) iyo dalka lagu cabaynayo ama galaynayo oo ah halka qoraaladda jawaanka lagu qorayo ka dhacayso ay kala duwanaan karaan oo ay jirto in u soo rarista badeecada halka lagu cabaynayo uu waqtiyo gaadhsiisan maalmo ilaa usbuucyo qaadan karto. Sidaa marka ay tahay waxaa kala duwan taariikhda samaynta iyo taariikhda cabaynta, suaashu waxa weeyi teebaa lagu qorayaa? Hab-tayeedka cuntooyinka galaysani ee caalamiga ahi (CXS 1-1985), wuxuu dhigayaa in lagu qoro “Muddo- tayeed” ama ” Date of minimum Durability” oo ah muddada tayada cuntadda sida dhadhanka, uduga iyo daraynimada (freshness) aanay waxba iska bedelayn. Muddada badqabku iyadu way ka duwan tahay muddo-tayeedka waanay ka dambayn kartaa. Heer-tayeedkani kama hadlayo marka ay kala duwanaadaan dalka lagu soo farsameeyay ama ka timid (Brazil) iyo dalka lagu cabbeeyay (Somaliland/UAE) ama galeeyay. Halkaa sirta ku jirtaa waxaa weeyi haddii mudadda ku dhigan alaabtu ay tahay muddadii la galeeyay/cabeeyay sidee baa mudadda u dhaxaysay dalkii lagu sameeyay iyo kii lagu cabeeyay u saamaynaysaa badqabka iyo tayada cuntadda? Sababtoo ah haddii mudada ku qoran alaabtu ay tahay mudaddii cabaynta wuu ogol yahay heer-tayeedku waxaadna moodaa in uu ka duulayo cahdigii halka lagu warshadeeyo lagu galayn jiray alaabta ee aanu ganacsigu caalamiyoobin. Halkaa marka ay marayso dooda iyo su’aalaha ay dadku iska weydiinayaan waa xalaal waxaanay khusaysaa ma-jarre habow xogeed (mis-information) aan ku xad-gudbin heer-tayeedka dhigaalka caalamiga (CXS 1-1985) balse helay gol-daloolo ku jirta oo looga faaiidaystay in tayadda badeecada aan run lagaga sheegin. Dadkuna xaq bay u leeyihiin iney helaan xog dhab ah , sugan oo ku sahabsan badqabka iyo tayad waxay uu quudanayaan. Waxaa halkan ka gaabisay 1) Hay’adda tayadda qaranka oo aan dejin heertayeed (standard) lagu saxo gal-daloolada ku jirta heer-tayeedka oo caalamiga ah ee (CXS 1-1985) kaas oo waajibin lahaa laba muddo in lagu qoro galka cuntooyinka farsamaysan:
Kala-goynta labada muddo haddii alaabta lagu galeeyay goobtii iyo goortii la sameeyay isku mid bay noqon lahayd. Haddii la goob iyo goor ka duwan tii la sameeyayna, farqiga u dhexeeya ayaa qofka ka caawin lahaa inuu go’aan ka gaadho badeecada tayadeeda is-bedelka ku dhacay waana qodobka imika doodu daaran tahay.
2) Waxaa arintan lafteeda ka gaabiyay shirkada oo uu iskeed u muujin karaysay labadda muddo iyadoo ka duulaysa hab-dhaqanka mudakarka ah ee ganacsiga suuban iyo xaqiiqada ah in macaamiisheedu aanay ahayn kuwii shalay ee ay yihiin kuwo ka kakan kana xogogaalsan sida ay moodaayaan. Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in doodu aanay ku sahabsanayn in sonkor dhacday la keenay ama lagu soo daayay dalka. Taasi sax maaha, sida ku qoran muddada dhicista waxaa ka dhiman dhowr sano. Waxaa doodu tahay majaro-habaabin xogeed oo saamayn ku yeelanysa tayada cuntadaas iyo go’aanka qofku waxa uu iibsanayo oo xog laga qariyay. Ban-yaalnimadu (transparency) waa xalaalnimo. Xalaalnimaduna waa diin, dadnimo iyo dawlad wanaag. Allaa Mahadleh,. QORE; Xamse C. Khayre. Xoghayaha Ganacsiga , Warshadaha & Dalxiiska Ee Xisbiga Waddani Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La yeeshay Wafti Ka Socda Dalka Koonfur Africa Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadl... Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Tacsi U Diraya Dhammaan Shacbiga Somaliland, Isaga Oo Ka Tac... Jaamacada Camuud Waxay U Baahan Tahay Isbedel Iyo Dhiig Cusub Oo Hogaamin Leh, Sidii Kulmiye-ba Udub... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|