Aas Aasaha World Remite Oo soo Bandhigay Lacagta Ay Baanka Somaliland Soo Daabacdeen Iyo Nuxurka Qoraal Uu Udiray Shirkadii Qandaraaska Lagu siiyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aas Aasaha World Remite Oo soo Bandhigay Lacagta Ay Baanka Somaliland Soo Daabacdeen Iyo Nuxurka Qoraal Uu Udiray Shirkadii Qandaraaska Lagu siiyay!
October 5, 2023 - Written by Editor:

“Waxa aan in muddo ah ku jiray sidii wax looga qaban lahaa lacagta 380 bilyan ah ee De La Rue soo daabacayso. Ugu horreyn, waxa aan la xidhiidhay cid kasta oo aan is idhi arrintan waxbay ka qaban kartaa. Markii aan sidaa xal ku waayay, qoraal ayaan bartan ku baahiyay. Intaas kadib, waxa la bilaabay in la dardargeliyo qandaraaska iyo lacagtii la daabacayay. Taas ayaa keentay in Sahamiye Foundation warqadda halkan ku lifaaqan ee furan ay u dirto De La Rue.

Warqaddu waxay xusaysaa baaxadda dhaqaale-burbur ee ku iman kara dalka, taas oo si gaar ah u taabanaysa danyarta dakhligoodu shilinka yahay. Maadaama aanay cidi kula tartamin qandaraaska, qiimaha ay shirkaddu qoratay waa mid xad dhaaf ah. Dalka Tanzania oo isagu si daahfuran u tartansiiyay shirkadaha lacagta daabaca, De La Rue qiime saddex laab ah ayay soo qoratay. Tan ayaa keentay in ay waayaan qandaraaska.

Waxa iyadu na xusid mudan, sida qodobka 35-aad ee Xeerka Bangiga Dhexe, Xeer Lr. 54/2012 dhigayo, waa in nashqadda iyo muuqaalka lacagta cusub ee 10,000 shilin ah loo gudbiyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo. Markii lacagta 5,000 shilin ah la qorsheynayey, waxa la hor geeyey Golaha Wakiillada. Markii ay ka doodeen ayay ansixiyeen oo waxay noqotay lacag waddanku leeyahay “Legal Tender”. Qandaraaska oo si qarsoodi ah loo waday ayaa se keenay in tallaabadan sharci na laga boodo oo xataa Bangiga Dhexe dafiro in lacag la soo daabacayo.

Ugu dambayn, waxa cad in shirkaddani dalka dhacday. Shirkadaha lacagaha daabacaa waa kuwo gaar loo leeyahay oo aan dawlado iyo aqoonsi shaqo ku lahayn. Sidaasi darteed, ma jirto sabab shirkaddan oo hore musuqmaasuq iyo sumcad xumo ugu suntanayd loo siiyo qandaraaska.

HALKAN KA AKHRI NUXURKA QORAALKU UU UDIRAY SHIRKADA LACAGTA USOO DAABACAYSA BAANKA SOMALILAND;

W/Q: Aas Aasaha WorldRemite Iyo Samahiye Foundation Ismaaciil Axmed.

COMMENTS
LINKS