Siyaasi Axmed Sandoon Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Iyo Fariimo Isbarkan Oo Uu Udiray Madaxwayne Biixi Iyo Prof Samater! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Axmed Sandoon Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Iyo Fariimo Isbarkan Oo Uu Udiray Madaxwayne Biixi Iyo Prof Samater!
September 5, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Axmed Sandoon Xasan oo kamid ah Siyaasiyiinta madaxa banaan ee somaliland ayaa ka hadlay xaalada dalka, dagaalkii gobolka sool iyo go,aankii gudida beelaha bariga burco kasoo saareen khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale siyaasi Axmed Sandoon ayaa aqoonyahan axmed Ismaaciil samater Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac si toos ah ula dardaaray isagoo ugu baaqay in uu danta shacabka somaliland utanaasulo, islamarkaana damaciisa aanay ka siyaasadayn kooxo iyagu dano siyaasadeed leh.

Dhanka kale siyaasi Axmed sandoon ayaa madaxwaynaha jsl ugu baaqay in uu shacabka la hadlo ugana xog waramo dhibaatadii ciidamada qaranka kasoo gaadhay dagaalkii sool isagoo usoo jeediyay in nabada fursad lasiiyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS