Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Cisbitaalka Hargaysa Ku Booqday Xildhibaan Cabdi Cali Oo Xaalad Caafimaad Ujiifa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Cisbitaalka Hargaysa Ku Booqday Xildhibaan Cabdi Cali Oo Xaalad Caafimaad Ujiifa!
September 21, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi Cirro ayaa maanta cisbitaalka magaalada hargaysa ku booqday xildhibaan cabdi cali xirsi oo maalmihii udanbeeyay ujiifay xaalada caafimaad oo lasoo daristay.

Musharax cirro ayaa xildhibaan ilaahay uga baryay in uu caafimaad sareecana siiyo, xanuunkana ugu badalo caafimaad

Booqashada musharax cirro ee xildhibaan acabdi cali ayaa waxa ku weheliyay xildhibaan khaalid hoori oo katirsan golaha deegaanka gabiley halkaasi oo ay xisbiga waddani labada xildhibaan uga soo baxeen golaha deegaanka ee gabiley.

 

COMMENTS
LINKS