Masuuliyiin Katirsan Haayada Wadooyinka Oo Kormeer Ku Tagay Dhismaha Wadada Gabiley Ilaa Caada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Katirsan Haayada Wadooyinka Oo Kormeer Ku Tagay Dhismaha Wadada Gabiley Ilaa Caada!
September 6, 2023 - Written by Editor:

CAADA(W,N)-Masuuliyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Mudane Khadar Cismaan Cilmi oo ay weheliyaan Ku simaha Agaasimaha Waaxda Farsamada iyo tayada Eng. Cabdiraxmaan Dhagacadde iyo Eng Axmed ayaa kormeer  ku soo maray Kaamka Jidhi oo ah goobta ay deggan yihiin shaqaalaha iyo gaadiidka ka hawl gala dhismaha Jidka Gabiley Illaa Caadda qaybta ay Wakaaladdu wado dhismaheeda.

Agaasimaha waaxda  Gaadiidka iyo sarkaashiisha RDA RE la socday waxa ay kormeer ku soo sameeyeen hannaanka shaqo ee Kaamka, xaaladda noocyada kala duwan ee macaddaadka iyo geeddi socodka shaqada iyaga oo waraysiyo la yeeshay darawaliinta, injinneerrada iyo waliba waaxda farsamada ee gaadiidka kuwaasi oo ka warramay xaaladda gaadiidka iyo guud ahaan shaqada kaamka iyo dhismaha Jidka Gabilay ilaa Caadda.

Saraakiisha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinta ayaa ku hawlan dardar galinta mashaariicda kala duwan ee ay wakaaladdu ka waddo guud ahaan dalka oo dhan.

Xafiiska Waaxda Xidhiidhka iyo Tiknaloojiyadda RDA

COMMENTS
LINKS