|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Jsl Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 22aad Ee Ka Baxda Jaamacada Camuud.
September 2, 2023 - Written by Editor:Boorama-(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka qeybgalay Xafladda Qalin-Jebinta dufcadii 22aad oo ay ka qalin jabiyeen arday gaadhaysa 1,034-arday kuwaasi oo dhamaystay qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacada Camuud. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo iyo boggaadin u diray aradayda qalin-jebisay, waxaana uu sidoo kale u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo uu ku ammaanay doorkooda xilkasnimada leh ay u guteen waajibaadkii kobcinta aqoonta, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidoo kale u u mahad celiyey waalidiinta tacabka balaadhan ee ay geliyeen Ubadkooda. Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal casriya oo Jaamacada Camuud kusoo kordhisay Kulliyada Caafimaadka iyo dhismaha deyrka Jaamacada oo ka kooban 6.5KM. Related posts: Fanaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise oo si weyn usoo Hambalyeysay Kooxda Xidigaha Geeska ee ka D... Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ku Biidhikaasey In Ay Kaga Takhalusayaan Wasiirnimada Xirsi Xilkana L... WAR-SAXAAFADEED:-Kal-fadhigii 32-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Lagaga Dooday Qodobbo Muhii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|