Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqal Iisaanka Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqal Iisaanka Qaranka.
September 19, 2023 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir Magaca Xilka

Maxamed Baaruud Cali Xubin

Maxamed Xasan Caalin Xubin

Mustafe Cali Cismaan Xubin

Baashe Maxamuud Faarax Xubin

Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin

Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin

Muuse Jaamac Cigge Xubin [

Xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto Madaxweyne, Sidaa darteedna todobada xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay wareegtada.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS