Suldaan Magaalada Hargaysa Ku Toogtay Suldaan Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Magaalada Hargaysa Ku Toogtay Suldaan Kale.
August 24, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Suldaan Saleebaan oo loo garan Ogyahay Suldaan “Habaar” ayaa galabta huteelka kaah ee magaalada hargaysa ku toogtay suldaan mahad Careesh kaasi oo uu soo gaadhay dhaawac lugta ah

Wararka laga helayo toogashada uu suldaan habaar kula kacay suldaan kale oo ay isku deegaan yihiin ayaa la sheegay in ay timid kadib markii ay is afdhaafeen.

Majiro wax war oo kasoo baxay laamaha amaanta oo la xidhiidha inta uu leeg yahay dhaawac soo gaadhay suldaan Mahad iyo sobobta keentay falkan.

Hore ayaa suldaan saleebaan magaalada hargaysa ugu weeraray xildhibaan axmed nuur guruuje kaasi oo uu gaadhsiiyay nabaro madaxda ah kadib markii uu la dhacay budh uu sitay, walow dhacdadaa hore Aanay jirin wax talaabo ah oo ay qaadeen laamaha amaanka iyo xukuumaduba balse markii danbe ay arinta suldaan saleeban iyo xildhibaan dhexmartay xaliyeen odoyaal iyo ganacsato ay isku beel yihiin.

COMMENTS
LINKS