Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Ururadda Siyaasadda Ee U Tartamaya Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Ururadda Siyaasadda Ee U Tartamaya Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka.
August 9, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay ururada siyaasadda ee waddanka.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku.

COMMENTS
LINKS