|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Wareegto Madaxwayne Ku Cayimay Wakgtiga Ay Qabsoomayaan Doorashada Ururada Iyo Ta Madaxtooyada!
August 7, 2023 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne-07-08-2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023 Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka. Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;. Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;. Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;
Waxan Go’aamiyey
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Related posts:“Hadaanu Cadaalad Wadan Ku Dhisnayn Waa Meel Habaar Yaalo, Ilaahayna Habaarayo, Bini,Aadamka Ku Nool... Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Dhalinyarada Somaliland Ugu Baaqay Inay Fartooda Ku Badalaan Xisbiga... "Madaxweyne Muuse Biixi Dadka La Tartamayaa Way Dhaliilaan Xabadna Kuma Rido, Farmaajona Ma Ogola Dh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|