|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Wareegto Kusoo Saaray Qodobadii Ay Gudida Beelaha Bariga Burco Kasoo Saareen Xal Uhelida Khilaafka Doorashooyinka.
August 30, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka . Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka Mudaneyaal, Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka. Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Related posts:“Dadka Aan Waxba Ku Kordhinaynin Xalinta Dhibaatada Iyo Murugada Shacbiga Laascanood, Waxaanu Leenah... Warbaahinta Turkiga Oo Sheegtay In Imaaraadku Saldhigga Uu Somaliland Ka Samaystay Kaga Hor-tagayo I... Golaha Guurtida Jsl Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|