|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxdhaqameedka Beesha Uu Kasoo Jeedo Ganacsade Maxamuud Cabdi Abokor Oo Cabasho Ka Muujiyay Dhac Uu Kula Kacay Mulkiilaha Shirkada Waraabe Company Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada
August 22, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Uu kasoo jeeda Ganacsade Maxamuud Cabdi Abokor Ee “Beesha Akisho” oo kaalin shidaal ku leh magaalada hargaysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhac badheedh ah oo ay sheegeen in uu kula kacay mulkiilaha shirkada waraabe company Cali Waraabe oo shidaal ay ka iibsadeen diiday in uu siiyo, islamarkaana ay mudo sanad ah daba socdeen. Sidoo kale Madaxdhaqameedkan ayaa sheegay in ganacsade caliw waraabe sicad ugu awood sheegtay islamarkaana uu diiday in uu ka dowbaxo,iyadoo ka waramay isku dayo badan oo ay xal ku raadiyeen uu gabi ahaanba sicad ugu gacan saydhay kaasi oo ay soo bandhigeen cadaymihii ay kaga iibsadeen. Dhanka kale waxgaradkan beesha akisho ee uu kasoo jeedo ganacsade maxamuud cabdi abokor oo uu dhacay cali warabe ayaa xukuumada madaxwayne biixi, laamaha cadaalada ee dalka iyo shacabka reer somaliland ee garaadka la saaxiibka ah ugu baaqay in ninkaa si deg deg ah looga soo qabto, taasi oo hadii wax laga qaban waayo ay ka dhalan karaan arimo dhibaato keeni kara, maadama ganacsadahan la dhacay ee mudada intaa leeg xoolihiisii maqan yihiin oo ahaa shidaal dhan 695 foosto una dhiganta 134830$, xiligana ay meheradiisii uxidh mayso, hantida intaa leeg ee ka maqan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:DAAWO;-Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Jsl Oo Markii Uhoraysay Warbaahinta La Hadlay Iyo Fariint... Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Qalabka Ka Hortaga Covid19 Uqaybisay Bulshada Magaalada Kalabay... Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leedahay Xaalada Ka Taagan Gobolka Awdal, Loolanka Musharaxa Madaxweyne K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|