|
|||||
WAJAALE NEWS
Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal Oo Laga Hor Afduubtay Gurigiisa Oo Ku Yaala Xaafada Jig Jiga Ee Magaalada Hargaysa Iyo Eheladiisa Oo Ka Hadlay!
August 9, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal oo kamid ah Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee ka Shaqaysta Magaalada Hargaysa Oo uu ku leeyahay Meherad ganacsi ayaa habeenkii xalay laga hor Afduubtay Gurigiisa oo ku yaala xaafada jig jiga yar, Gaar Ahaan Agagaarka Sun Huteel. sida ay Xaqiijiyeen Ehelada Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal ayaa sheegay In laga hor Afduubtay Gurigiisa Cambaaro 11habeenimo, Xili Uu Kazoo rawaxay shaqadii, islamarkaana uu sii galayay guriga, ayaa waxaa Afduubtay Koox Aan la Aqoonsan Haybtooda, kuwaasi oo ku qaatay gaadhi ay wateen, kaasi oo Aan Ilaa Hada la Ahayn Raq iyo Ruux Toona. Ciidanka booliska ee saldhiga ibraahim koodbuur oo markii falkani dhacay lagu wargaliyay, islamarkaana yimid guri, kuwaasi oo sameeyay hawlgal ay ku baadi goobayaan xalay ilaa maanta wallow aanay ku guulaysan in ay helaan cida afduubtay ganacsade ismaaciil iyo meel lala tagayba. Falkan foosha xun ee habeenkii xalay ka dhacay magaalada hargaysa ee lagu qafaashay muwaadin Ismaaciil Nuux Sahal ayaa argagax iyo war war culus ku haya hooyadii Dhashay iyo qoyskiisaba iyo guud Ahaan shacabka reer Somaliland ee ilaa xalay la socday dhacdadan oo Qaarkoodna ku hawlanaayeen Raacdadiisa, taasi oo fajac iyo amakaag ku noqotay in Aan ilaa hada la hayn geeri iyo nolol toona. Sidoo kale Ehelada ismaaciil Nuux ayaa ka raadiyay meelihii lagu tuhmayay hadii xukuumadi xidhay in lagu xidhi lahaa ee xarumaha ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo saldhigyada wax lagu xidho Iyagoo Aan Ka Helin, Halka Wararka qaar sheegayaan in ay suurto gal tahay in uu ku xidhan yahay xarumaha sirdoonka, wallow aan wax cadaynaya la haynin sugnaashaha in uu ku xidhan yahay gobahaasi qarsoon, Dhanka kale Ehelada Ismaaciil Nuux Sahal oo la hadlay Warbaahinta ayaa xukuumada Somaliland iyo cidkasta shacabka reer Somaliland ka codsanay in ay ka hawlgalaan Raadintiisa, Wixii Kasoo Kordha Falka lagu Qafaashay Ganacsade Ismaaciil Nuux Sahal kala soco wararkeena danbe
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|